Akhriso:-Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Todobaad Gudihiis Soo Saaray Wareegtadii Labaad

SHARE

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Soo saaray Wareegto  lagu joojinayo Cashuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland in la joojiyay Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii la sameeyn jiray.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo.