Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka Nairobi

SHARE

Ugu yaraan  laba  qarax  oo  waaweyn  ayaa  lagu  soo  waramayaa  in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi  ee  caasimadda dalka Kenya.

Wararka  tvga  Galmuudg  ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi.

Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

“Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.

Geesta kale  Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa   sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.