Hargeysa: Diyaarad sida maxaabiistii Puntland oo maanta ku wajahan Garowe

SHARE

Waxaa dhowaan magaalada Hargeysa ka duuleysa Diyaarad sida Maxaabiistii Puntland ay Soomaaliland kaga qabsatay dagaaladii ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana lagu wadaa in ay ka dajineyso magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maxaabiista laga qaadayo magaalada Hargeysa ayaa gaaraya ilaa 14 maxbuus, waxaana Diyaaradda ka dajineysa Garowe lagu wadaa in halkaasi ay ka soo qaado Seddax ruux oo ka mid ah maxaabiistii Somaliland looga qabtay isla dagaaladii ku dhex maray deegaanka Tukaraq, kuwaas oo haatan ku xiran Garowe.

Hey’adda Laanqeyrta Cas  ee ICRC, ayaa la sheegay in ay kasoo  shaqeysay heshiiskaan maxaabiis is dhaafsigaa ee maanta lagu wado in uu dhexmaro Puntland iyo Soomaaliland.

Dagaaladii ku dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaa Soomaaliland gacanta ugu galay 14 maxbuus oo ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin Ciidamadii Puntland ee dagaalka la galay, waxaana dhamaantood maanta laga dejinayaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dhankeeda Puntland waxa ay sheegtay in dagaalkii Tukaraq ay Soomaaliland kaga qabsatay 18 maxbuus, Puntland waxa ay sheegtay in 15 ka mid ah maxaabiistii ay ku qabatay dagaaladaas ay dib ugu celisay xoriyadooda ka dib markii ay ogaatay in ay kasoo jeedaan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo ah halka ay ku hardamayaan gacan ku heyntooda xukuumadaha Hargeysa iyo Garowe.