Madaxda Ruushka iyo Shiinaha oo ku kulmay Moscow

SHARE

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa intii uu ku gudajiray booqasho sedex maalmood ah oo uu ku joogay Moscow waxaa uu ku qeexay Madaxweynaha Wadanka Ruushka Vladimir Putin in uu yahay “saaxiibka ugu wanaagsan”.

Waxay madaxdu diiradda saareen Ganacsiga iyo xiriirka u dhexeeya labadda wadan.

Booqashadda uu Madaxweynaha Shiinuhu ku tagay Ruushka ayaa waxaa ay imaaneeysaa xilli xiriirka Mareeykanka uu la leeyahay uu ragaadiyay Dagaal Ganacsi.

Labadda dhinac ayaa waxaa ay kala sixiisdeen xirmooyin ganacsi, Madaxweyne Xi ayaana beerta Xayawaanka ee Magaaladda Moscow waxaa uu geeyay labo xayawaanka qobowga ku nool ah ee panda lagu magacaabo.

Arbacadii ayuu madaxweynaha Shiinuhu tagay Ruushka waxaana uu shir jaraa’id ka sheegay in dhigiisa Ruushka uu la leeyahay xiriir saaxiibtinimo oo aad u weyn.

30 jeer ayuu sheegay in uu la kulmay Putin, wuxuuna yiri “ wadanka Ruushku waa dalka ugu  badan ee aan booqdo”.

Shiinaha ayaa doonaya in uu ka faa’iideeysto xiriirka uu la leeyahay Ruushka maadaama uu xumaaday xiriirkii uu la lahaa Mareykanka