Sarkaal ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo la dhaawacay

SHARE

Wararka laga helayo deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku waramayaan in halkaasi Maanta lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Maaliyadda ee Maamulka Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Askari ka tirsan Ciidamada qaada Canshuurta ee loo yaqaano Minashiibiyada ayaa la sheegay in uu dhaawacay Sarkaalka oo lagu Magacaabo Axmed Sheekh Cali,waxaana la sheegay in dhawaciiisa uu yahay mid culus.

Wariyeyaal ku sugan gobolka Hiiraan ayaa Risaala waxa ay u sheegeen in  askariga falka dhaawaca ah geystay iyo Sarkaalka ay wada murmeen taas oo keentay in askariga uu dhowr xabadood ku dhufto Sarkaalka ka tirsan Waaxda Maaliyadda e Maamulka Magalada Baladweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Sarkaalka la dhaawacay loo soo qaaday Magalada Muqdisho si loogu daweeyo,sidoo kalena askarigii falkaasi geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana la baadi goobayo.