Gedo:-Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isu dhiibay Ciidanka Xoogga

SHARE

Laba sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, markii ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga.

Xubnaha isa soo dhiibay ee ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu kala sheegay Magacyadooda Mustaf Ibraahim Isaaq iyo  Maxamed Xasan Madhaaley.

Mustaf Ibraahim Isaaq, ayaa  Al-Shabaab u qaabbilsanaa howlaha Sirdoonka, halka uu Maxamed Xasan Madhaaley isna u xil saarnaa waaxda Ilaalinta Xabsiyada ee Jubbooyinka.

Taliya Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo, Sheekh Xuseen Isaaq, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo isa soo dhiibta, kana faa’iideysta baaqii cafiska ahaa ee ay u fidiyeen Madaxda Qaranku Al-Shabaab.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo dhiibayay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku soo biiraya ciidamada Dowladda Soomaaliya.