Ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo lagu wareejiyay ciidamada DANAB

SHARE

Ammaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah waxa loogu wareejiyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Ciidamadan ayaa waxa ay saldhigyo ka sameysteen kontorooladda laga galo garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, waxaana halkaasi laga qaaday ciidamo hore ugu sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb isagoo la kulmay saraakiisha ciidamada lagu wareejiyay garoonka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inay ka degaan mas’uuliyiin ka qeybgalaysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado in dhowaan lagu qabto Dhuusamareeb.