Home WARARKA Keenista Meydka Gudoomiyiihii Gobolka Baandir Eng Yariiw ayaa Dib u dhac Ku...

Keenista Meydka Gudoomiyiihii Gobolka Baandir Eng Yariiw ayaa Dib u dhac Ku Yimi

73
0

Waxaa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Doxa iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood.

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qadar kadib markii uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray aaska Qaran ee loo samaynayo Maanta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here