abtidoon ahmed

78 POSTS 0 COMMENTS

Xisbiga UPD ee Madaxweynihii hore oo laga joojiyay kulan uu ku qaban lahaa Baydhabo

 

Maamulka Koofur Galbeed ayaa joojiyay kulan aqoon kororsi ahaa oo lagu waday inuu galabta ka dhaco magaalada Baydhabo, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UPD ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raalli gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”sidaa waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban.

Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo doortay C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dowladda Federaalka ayaa horay sidan oo kale u joojisay kulamo iyo siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Akhriso:-Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Todobaad Gudihiis Soo Saaray Wareegtadii Labaad

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Soo saaray Wareegto  lagu joojinayo Cashuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland in la joojiyay Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii la sameeyn jiray.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo.

 

Maxkamada Ciidamada oo Maanta xukun riday.+(SAWIRO)

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi  oo loo  heysto  in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna  dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan  ka gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin waxaa ay u dirtay askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamada ciidamada ayaa waxaa ay xukuno ku ridaa askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka oo xiran taariikhda intii ugu badneed.

 

-Kumanaan ka tirsan shaqaalaha mareykanka ayaa waxaa soo wajahay mushaar la’aan kadib markii ay dheeraatay xirnaashaha shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka.

Muranka u dhaxeeya  golaha Cobgres’ka mareykanka iyo madaxwayanaha dalkaasi ayaa salka ku haya ansixinta balaayiin doolar uu doonayo madaxwayne Trump in uu gidaar uga dhiso xadka mareykanka uu la wadaago dalka Mexico.

Maanta oo sabti ah ayaa noqonaysa maalintii 22’aad oo ay wali xiranyihiin shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka taas oo maalin dheer xiligii madaxwayne Bill Clinton intiiu dhaxeesaysanadihii 1995 illaa 1996 waqtigaasi oo ay hakad galeen shaqooyinka mareykanka mudo 21 maalin ah.

Madaxwaynha mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa diiday in uu ansixiyo qorshaha dhaqaalaha tan iyo inta looga meel marinayo lacagihii uu dalbaday in uu gidaarka ku dhiso.

Xayiraada ku timid afar meelood meel shaqooyinka dalka mareykanka ayaa sabab u noqotay in mushaar la’aan ay soo wajahdo shaqaalo gaaraya 800,000 oo ay ku jiraan shaqaalaha ilaalada xabsiyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo shaqaalaha Hay`adda Sirdoonka.

Canada oo Hal Malyan oo qaxooti ah u oggolaanaysa dalkeeda

Baarlamaanka dalka Canada ayaa ansixiyay in loo oggolaado soo galooti ka badan hal malyan oo ruux inay yimaadaan  wadankeeda saddexda sano ee soo socota.

Tiradan oo ah ku dhowaad boqolkiiba hal dadka ku nool wadanka Canada ayaa dad kabadan 286,000 waxa ay dowlada Canada siisay sharci sanadkii 2017ka waxaana la filayaa in dad gaaraya 350,000 ay sharci degenaansho helaan sanadkan.

“Waan u mahadcelinaynaa tirada dadka badan ee soo galootiga ah ee dalkeena imanaya, waxayna taas ka dhigtey wadankeena inuu noqdo mid awood leh oo aan ku faraxno.”ayuu yiri Axmed Xuseen oo ah Wasiirka u qaabilsan soo galootiga iyo qaxootiga dalka Canada.

Axmed Xuseen oo laftiisa qaxootinimo ku tegey dalka Canada asalkiisuna yahay Somali ayaa aaminsan in dadka badan ee imanaya dalka Canada ay gacan ka geysanayaan horumarka wadankaas oo dadkiisu sii gaboobayaan isla markaana ay hoos u dhacday carruurta ku dhalaynaysa wadankaas.

Mowqifka ay qaadatay dalka Canada ayaa ah mid aad ugaga duwan tan dowlada Maraykanka iyo inta badan wadamada reer galbeedka oo haatan albaabada ka xirtey soo galootiga u badan kuwa ka soo cararaya qaarada Afrika iyo wadamo kale.

Dalka Canada ayaa ogolaaday in uu qaxootinimo siiyo gabar u dhalatay dalka Sacudi Carabiya Rahaf al Qanun oo waalidkeed ka soo carartay laguna qabtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

Wargeys ka soo baxa UK oo qoray in Gavin Williamson uu baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweyne Farmaajo, kaddib

Wargeyska caanka ah ee The Independent ayaa qoray in safar uu Xoghayaha Difaaca UK Mr Gavin Williamson uu baajiyay safar uu todobaadkii hore ku imaan lahaa Muqdisho iyo kulan uu la qaadan lahaa Madaxweyne Farmaajo, kaddib ceyrintii Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo xariggii Mukhtaar Roobow.
Gavin Williamson ayaa socdaalkiisa u weeciyay magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee aanay weli helin wax aqoonsi caalami ah.
Wasiirka difaaca UK Gavin Willamson ayaa 6-dii bishan booqday magaalada Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo qaar kamid ah Wasiirada maamulkiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa 1-dii bishan go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)
Arinta la hadalka hayay ayaa eheyd inuu iman doono Muqidhso si uu ula kulmo Madaxda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ingiriiska ee taageerada siiya Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom.
Wargeyska the Independent ee ka soo baxa dalka UK ayaa qoraal uu daabacay ku sheegay sababta baajisay Safarkiisa Muqdisho inay la xiriirto ceyrinta Haysom iyo xarigii Mukhtaar Rooboow.
Wargeyska the Independent ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow oo 13-kii bishii hore ee December 2018 laga soo qabtay Baydhabo ay aheyd talaabo qaldan, waxeyna ku micneeyeen in Wadaadkan oo ahaa qofka ugu sarreeya ee beddela aragtidiisa kana baxay Al-Shabaab ay hoos u dhigeyso xubnaha kale ee ku dhiiran lahaa iney Dowladda isu dhiibaan.
Waregeyskan ayaa banaanka keenay sir muddo la qarinayay taasoo la xiriirtay in Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska iska kaashadeen howlgalka Mukhtaar Rooboow looga soo badbaadiyay deegaanada ay heysteen Al-Shabaab.
Xoghayaha Difaaca UK ayaa booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho bishii Agosto ee sanadkii 2018 la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo Ingiriiska ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo taageera Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM.
Qaraar qabyo ayaa UK horgeysay golaha ammaanka, kana dhan ahaa go’aanka Xukuumadda Muqdisho ku ceyrisay Haysom ayaa lagu sheegay in goluhu ka xun yahay tallaabada ay qaadday Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba waxaa muuqata mad-madow siyaasadeed oo u dhaxeeya UK iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrimaha ka dhacay Baydhabo, iyadoo UK ay taageerto Ciidamada Booliska Koofur Galbeed iyo ciidanka Milateriga qeybta 60aad oo ay bixiso mushaarkooda, waana sababta ay u hakisay taageeridii dhaqaale ay siineysay.

Axmed Cilmi Karaash Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

Waxaa Goordhow soo geba gaboobay tirinta Codadka wareega Saddexaad ee doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada Musharax oo kala ahaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).
66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay,waxaana xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,waxaana codadka ay u kala heleen sidatan.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa 47 Cod
Iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) 19 Cod
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa 5-ta Sana ee soo socota waxaa uu heyn doona xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland,hadii aan isbedel kale imaan,waxan goobta doorashada ku sugnaa,Xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Laba Musharax Oo Isugu Soo Haray Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

Waxaa Goordhow soo geba gaboobay tirinta Codadka ay kala heleen Saddex Musharax oo u tartamayay doorashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland,kuwaas oo u soo gudbay wareega labaad ee doorashada.
Musharixiinta wareega labaad ku tartamay ayaa waxa ay codadka u kala heleen.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa 34 Cod
1: Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa helay 23 Cod
Halka Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa helay 9 Cod
Ugu dambeyn waxaa wareega Saddexaad ee doorashada u gudbay oo tartami doona Musarixiinta kala ah.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash
Iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)
Waxaa Goordhow bilaaban doona wareega Saddexaad ee codeynta doorashada,waxaana Goobta ku sugan Xildhibaanada Puntland,Wafdi ka socda IGAD iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Akhriso:-Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Amaro Deg Deg Ah Soo Saaray

Madaxweynaha cusub ee dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Goordhow soo saaray amarkii ugu horeeyay,kaasi oo lagu joojiyay in lacag laga saaro Akoonada maamulka Puntland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay in lacag laga saaro Akoonada dowlad Goboleedka Puntland iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay.
Hlakaan Hoose ka Akhriso

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Guusha Saciid Dani

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale madaxweynaha Jubaland ayaa bogaadiyay mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo uu ku ammaanay in ay xaqiijiyeen in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Puntland.
Mudane Axmed Madoobe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay garab istaagan madaxweynaha cusub,islamarkaana wadajir iyo midnimo muujiyaan.