Wednesday, May 22, 2019

admin

1218 POSTS 0 COMMENTS

DEG DEG: Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay Laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay, qof kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay goor dhaw uu ka dhacay Isgoyska Carwo Itko.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah goob Ciidanka Booliska ay ku baaraan Gaadiidka.
Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday.
Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux.

Baarlamaanka Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Siciid Deni

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta yeeshay kal-fadhigoodii labaad tan iyo markii lasoo xula,waxaana Maanta hortegay Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay waqti kordhin ugu sameeyaan xilliga uu kusoo Magacaabayo Golihii Wasiirada,iyada oo mudada laga donayay sida uu qabo Dastuurka ay ku ekeed 29ka bishan.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday codsiga ka yimid Madaxweynaha Cusub ee Puntland,waxaana ogolaatay in mudo 15 Cisho ah loogu daro maalmaha u harsan 45 mudane,waxa diiday hal xildhibaan halka 4 kale ay ka aamuuseen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Puntland oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in mudo kordhinta ay Xildhibaanada u codeeyeen ay ansax yahay,isla markaana waqtiga loogu kordhiyay uu yahay 15 Maalmood.

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullhi Deni oo 8-dii Bishaan lagu doortay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in la Caleemo saaro 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Itoobiya oo sheegtay inay qaadeyso dagaal ka dhan ah Shabaab

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo howlgal cusub ku qaada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Dowladda Itoobiya oo lagu xaqiijiyay weerar Jimcihii Ciidanka Itoobiya ee ku jira Amisom ay kala kulmeen Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan jirin sheegashada Al-shabaab ee ah dilka 57 Askari oo Itoobiyaan ah.

Warbixinta ka soo baxday Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda oo maraya inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Baydhaba ay jidka u galeen Al-Shabaab islamarkaana ay iska difaaceen.

Waxa ay Dowladda Itoobiya sheegtay in dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ay qaadayaan Ciidamadeeda ku jira Amisom ee jooga Soomaaliya.

Dhinaca kale war ka soo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in weerarkii Jimcihii ka dhacay Gobolka Baay ay ku dhaawacmeen saddex ka mid ah Ciidamka Amisom ee ka socda Itoobiya.

Waxaa kale oo Amisom ay sheegtay in Al-Shabaab ay ka dileen afar qof tiro kalena ay ka dhaawaceen, iyaga oo ku faanay in weerarkaasi la iska caabiyay.

Suxufi C/maalik Coldoon oo lagu wareejiyay Militariga Itoobiya

Iyadoo maalintii Jimcaha Suxufi C/maalik Coldoon iyo saddex Wariye kale oo la socotay laga xiray Magaalada Gaashaamo, ayaa shalay galab xubnahan waxaa lagu wareejiyay Ciidanka Militariga dalka Itoobiya. Axmed Warsame oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Gaashaamo, ayaa Warbaahinta u sheegay shalay galab Xerada Ciidanka Militariga Itoobiya ee Gobolka Jarar uu ugu tagay Suxufigan & ragga kale ee la socday ee Ciidanka Federalka Itoobiya ay xireen.

Wuxuu sheegay xilliga wariyaha la qabanaayay in laga soo xiray Magaalada Gaashaamo oo Odayaasha deegaanka uu ku wareysanaayay, balse ay u yimaadeen Ciidanka Liyuu Boolis oo ay u sheegeen hawsha uu hayo inay tahay mid iska hor keenaysa shacabka & dowladda sida ay hadalka u dhigeen.

“Cabdi Maalik isaga oo Wareysi qaadaya oo dadka wareysanaya waliba Odayaasha oo taariiqda Gaashaama & xaaladaheeda ka wareysanaya ayaa waxaa u yimid ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxa ay u sheegeen inuu joojiyo hawsha uu wado oo uu xidhan yahay isaga iyo ragga kale ee la socday dabadeedna waxaa la saaray gaadhi oo waliba isaga shirka hore ayaa la saaray, ragga kalena waxaa la saaray dusha gaadhiga.” Ayuu yiri Axmed Warsame.

Axmed Warsame ayaa intaasi ku daray in shalay galab uu ugu tagay Cabdi Maalik & xubnaha kale ee la xidhan, wuxuuna sheegay in xaaladooda ay aad u wanaagsaneyd oo aysan jirin wax jirdil ah ama dhibaato loo gaystay, balse ay iska dhex fadhiyeen Xerada Ciidanka Militariga Itoobiya.

Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa ah Suxufi ku caan baxay soo bandhigida tacadiyada kala duwan ee loo gaysto dadka rayidka, isaga oo dabagal iyo baaritaano ku sameeya dhacdooyinka tacadiga u badan & midka arrimaha Bulshada.

Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo isdaba jooga kula yeeshay magaalada Nairobi madax iyo diblomaasiyiin kala duwan iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ee ka hawl gala Soomaaliya;
Waxaa kamida safiirada Germany, Switzerland, Britain, Madaxa IGAD iyo wakiilkooda Somalia, European Union, Madaxa ICRC, UNOPS, UNSOM, SSF, IOM, ZAMZAM FOUNDATION iyo kuwo kale.

Madaxaweynuhu wuxuu kala hadlay dhammantood iney xoojiyaan wadasgaqeynta ay la leeyihiin Soomaliya sidoo kale ay iney dadejiyaan bilaabidda mashaariicda horumarineed ee loogu tala galay Galmudug taasoo waqtiyadii lasoo dhaafay hakad galay, dhamaantoodna aad ayey usoo dhaweeyeen una ballan qaadeen iney bilaabayaan mashaariicda si degdeg ah.

Wuxuu madaxweynuhu sidoo kale kulamo joogtaa la lahaa siyaasiinta iyo jaaliyadda reer Galmudug isaguu ku dardar galiyey iney masuuliyad iska saaraan kana qeybqaataan harumarinta deegaanka Galmudug dhan siyaasadeed iyo mid horumarineedba, taasoo si weyn la isugu afgartay.

Dooni ay saarnaayeen Tahriibiyaan oo ku degtay xeebaha Liibiya

 

-Dooni sidday 20-ruux oo muhaajiriin ah ayaa ku dagtay xeebta dalka Liibiya, halkaasi oo laga helay 3-meyd ah sida ay maalinimadii Jimcaha ku warantay Wakaaladda Wararka ee dalka Talyaaniga.

Wakaaladda Wararka ANSA ayaa  sheegtay in doontaasi oo ka sameysneyd rabar ama caag la buufiyay ay ku degtay meel 50-km magaalada caasimadda Tiribuli kaga beeegan Woqooyi ee badda Mediterranean–ka.

Sadex kale oo saarnaa doontaasi ayaa la soo badbaadiyay, inkastoo la tilmaamay in ay liidato xaaladooda caafimaad.

Ciidamada ilaaliya xeebaha dalka Liibiya ayaa wada dadaal lagu raadinaayo 14-ruux oo muhaajiriin ah oo weli ku maqan badda.

Sanadkii tagay in ka badan 2,240 dad ah ayaa dhintay ama la waayey, iyagoo isku dayaya in ay gaaraan dalalka Yurub sida laga soo xigtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Haweeney La Sheegay Inay Shabaab U Fududeysay Weerarkii Hotel Dusit D2 Oo La Baadi Goobayo

 

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya baadi-goob ugu jiraan Haweeney u dhalatay dalkaasi oo magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdi, taasi oo lagu eedeynayo inay fududeysay Hubkii ay Al-Shabaab u adeegsadeen Weerarkii  Tallaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, waa sida uu Wargeysku qoray.

Saraakiil ka socday Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa la sheegay inay ku guul-daraysteen inay Haweeneydaasi ka soo helaan Degmadda Eldoret oo la filayey inay ku sugnayd.

Saraakiishaasi waxay kaloo ku fashilmeen inay Haweeneydaasi Khamiistii hore ka soo qabtaan  magaalladda Mombasa.

Saraakiil kale ayaa iyagana la sheegay in loo diray magaalladda Malindi, si ay Haweeneydaasi u baadi-goobaan.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Maryan Cabdi ay asal ahaan ka soo jeedo Deegaanka Bondeni ee Mombasa ay xubin sare ka tahay Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen

Haweeneydaasi waxa la sheegay inay Qoryo noocoodu yahay AK 47 si dhuumaalaysi ah ku soo gelisay Kenya, iyadoo  Alshabaab dhowr jeer horey ugu adeegsadeen Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waa sida uu Wargeyska The standard qoray.

Masuul goordhaw lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo Faah faahino kasoo baxaya

 

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada lagu iibiyo waxa ay ku dileen Gudoomiye Laameed katirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyo qof kale oo la socday.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan Suuqa Daawada ku dileen Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal) oo ahaa Gudoomiye Laameed katirsan Waaxda Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Ragii hubeesnaa ee dilka u geestay gudoomiye laameedka iyo nin kale oo la socday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka loo geesto dadka u shaqeeya dowlada gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir, waxaana shalay oo u dambeesay degmada Hodan lagu dilay Gudoomiyihii dhalinyarada ee Degmada Hodan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka Nairobi

Ugu yaraan  laba  qarax  oo  waaweyn  ayaa  lagu  soo  waramayaa  in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi  ee  caasimadda dalka Kenya.

Wararka  tvga  Galmuudg  ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi.

Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

“Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.

Geesta kale  Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa   sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.

 

 

Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

 

Wararka   Tvag Galmudug  ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi.

Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

“Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.