Sunday, October 20, 2019

admin

1222 POSTS 0 COMMENTS

Haweeney La Sheegay Inay Shabaab U Fududeysay Weerarkii Hotel Dusit D2 Oo La Baadi Goobayo

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya baadi-goob ugu jiraan Haweeney u dhalatay dalkaasi oo magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdi, taasi oo lagu eedeynayo inay fududeysay Hubkii ay Al-Shabaab u adeegsadeen Weerarkii  Tallaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, waa sida uu Wargeysku qoray.

Saraakiil ka socday Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa la sheegay inay ku guul-daraysteen inay Haweeneydaasi ka soo helaan Degmadda Eldoret oo la filayey inay ku sugnayd.

Saraakiishaasi waxay kaloo ku fashilmeen inay Haweeneydaasi Khamiistii hore ka soo qabtaan  magaalladda Mombasa.

Saraakiil kale ayaa iyagana la sheegay in loo diray magaalladda Malindi, si ay Haweeneydaasi u baadi-goobaan.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Maryan Cabdi ay asal ahaan ka soo jeedo Deegaanka Bondeni ee Mombasa ay xubin sare ka tahay Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen

Haweeneydaasi waxa la sheegay inay Qoryo noocoodu yahay AK 47 si dhuumaalaysi ah ku soo gelisay Kenya, iyadoo  Alshabaab dhowr jeer horey ugu adeegsadeen Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waa sida uu Wargeyska The standard qoray.

Masuul goordhaw lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada lagu iibiyo waxa ay ku dileen Gudoomiye Laameed katirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyo qof kale oo la socday.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan Suuqa Daawada ku dileen Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal) oo ahaa Gudoomiye Laameed katirsan Waaxda Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Ragii hubeesnaa ee dilka u geestay gudoomiye laameedka iyo nin kale oo la socday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka loo geesto dadka u shaqeeya dowlada gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir, waxaana shalay oo u dambeesay degmada Hodan lagu dilay Gudoomiyihii dhalinyarada ee Degmada Hodan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka Nairobi

Ugu yaraan  laba  qarax  oo  waaweyn  ayaa  lagu  soo  waramayaa  in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi  ee  caasimadda dalka Kenya.

Wararka  tvga  Galmuudg  ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi.

Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

“Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.

Geesta kale  Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa   sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.

Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

Wararka   Tvag Galmudug  ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi.

Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

“Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.

Qarax ka dhacay degmada Deyniile.

-Ha; Askari ayaa ku dhintay mid kalane dhaawac culus ayaa ka soo gaaray Qarax maanta ka dhacay Xaafadda Gudbta ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Bam-gacmeed ay wateen laba Askari oo midna ku dhintay midna ku dhaawacmay waxayna kula qaraxday wadada Barwaaqo ee Xaafadda Gudbta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga dhintay iyo kan dhaawaca ahba ay wateen Bambada kadibna ay ku qaraxyada. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay Qaraxaa.

Maxkamadda ICC oo sii deysay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo

Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ICC ee ku taal magaalada Hague ayaa sii deysay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo, kaasoo horay loogu soo eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Maxkamadda ayaa ku weysay wax dambi ah, iyadoo aan caddeymo loo keenin eedeymihii lagu soo oogay.

Waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalka Ivory Coast sanadkii 2010, kaddib doorashadii lagu muransanaa, waxaana rabshadahaas ku dhintaan saddex kun, halka boqolaal kun oo kale ku barakaceen

Mr Gbagbo ayaa la xiray sanadkii 2011, markii ay qbateen Ciidamada Madaxweynaha Alassane Outtara oo taageero ka helayay Ciidamada Faransiiska.

Waxaa uu noqday Madaxweynihii u horeeyay ee la soo taago maxkamadda ICC, waxaana Garsoorayaasha Maxkamadda ICC ay sheegeen in aanu mar dambe ka jawaabi doonin dacwad kale, maadaama xeer ilaalintu aysan soo bandhigin dacwado badan oo ka dhan ah, waxaana amar lagu bixiyay in si degdeg loo sii daayo.

Taageerayaasha Mr Gbabgo ayaa soo dhoweeyay sii deyntiisa, iyagoo Telefishinada ka daawanayay go’aanka Maxkamadda ICC

Xuutiyiinta Oo Duqeeyey Saldhig Milliteri Oo Ku Yaalla Gudaha Sacuudiga

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga.

Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi.

Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lhaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen.

Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin.

Madaxweyne Farmaajo Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xildhibaanadii Mooshinka Ka Keenay Sheegayna Dadka Soo Abaabulay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee markii dambe xal laga gaaray.

Waxa uu sheegay in xilligii mooshinkaas laga keenay uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,isla markaana uu u sheegay in mooshinkaas ay ka dambeeyeen kooxda Qabyo oo uu ula jeeday Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Markii mooshinka la iga keenay ee aan la xiriiray guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu ii sheegay in mooshinka ay ka dambeeyeen xildhibaanada Qabyo,qaarkood ay ku jiraan saxiixyo laga been abuurtay oo Xildhibaano dibada ku maqan ay ku jiraan,ana waxaan u sheegay mooshinka inuu qabyo yahay maadaama wax walba ay qabyo uga tagaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay Madaxweynaha yuu sheegay in Guddomiyaha uu u sheegay in Xildhibaanada mooshinka keenay ay doonayaan in lagu daro guddiga hanta soo celinta,si ay isugu soo dhaweeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Marka laga soo hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa jira tiro Xildhibaano ah oo aan ku qanacsaneyn Siyaasada dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo la aaminsan yahay inay xiriir dhow la leeyiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

9-kii Bishii December sanadkii tegay ee 2018 ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay madaxweynaha ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah,waxaana xilligaas dalka uu galay qalqal siyaasadeed oo ugu dambeyn saameeyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Magacaabay Guddoomiye Maxkamadeed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Magacaabay guddoomiyaha Maxkamada Degmada afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa guddoomiyaha Maxkamada degmada Afmadow waxaa loogu Magacaabay  Sheekh Cabdirashiid Aadan Ismaaciil.

Dhamaan Hay’adaha dowliga ah ee degmada Afmadow ayaa waxaa lagu amray in Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamada kala Shaqeeyaan Shaqooyinka loo igmaday.

Todbaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Afmadow ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland,waxana uu u sameeyay Maamul Cusub.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada