cabdi casiis cali

193 POSTS 0 COMMENTS

Qarax gaari lagu xiray oo Maanta gelinkii danbe ka dhacay Muqdisho

 

Qarax ayaa Maanta gelinkii danbe ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho,  kaasoo ahaa gaari yar oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada.

Inta badan qaraxyada lagu xiro gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen

Barlamanka dowlada Galmudug  oo maanta meel mariyay hindiso sharciyedka maaliayda oo uu soo gudbiyay wasirka  maaliyada  galmudug

Barlamanka Galmudug ayaa maaanta cod gacan tag ah ku ansixiyay  hindise sharciyeedka maaliyadda oo uu  horkeenay wasiirka wasarada maaliayda xukumada galmudug mudane  saciid  siyaad shirwac

Iyadoo kadib markii ay ansixiyeen xildhibanada  barlamanka galmudug  uu ugu mahad celiyay wasiirka maaliyada  xukumada  galmudug  mudane  saciid  siyaad shirwac

Dhinaca kale xilidhibanada ayaa maanta waxa loo qeybiyay hindise sharciyadayada kala ah hindise sharciyeedka  arrimaha  dowladaha hoose  oo ay soo gudbisay wasarada arrimaha gudaha iyo dowladaaha hoose ee xukumada galmudug oo uu maanta xildhinada usoo gudbiyay wasirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose mudane Duran maxamed Samatar

Sidoo kale waxa loo qeybiayay barlamana k galmudug hindiso sharciyedka hanti  dhowrka qaranka waxana la filaya in maalmaha soosocd aya ka dooday marka ay mariyaan akhrinta kowad labaad  iyo sedexaad ee sharciaydan kadibna ay ansixiyaan sid auu sharciga barlamanka galmuudg uu qabo  .

Kulanka  maanta waxa shir gudoominyay gudoomiyaha  barlamanka  galmudug mudane  ismaciil cabdulle maxamed

Wasaaradda amniga oo sheegtay iney dishay dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan.

 

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo sabti ah iney dishay xubno ka tirsan dagaalamayaal Al-shabaab kadib weeraro lagu fuliyay gobalka Bay oo ay ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa lagu yiri “annaga oo kaa-shaneyna saaxiibada caalamiga ah ee nala howlgala waxaan dilnay Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab kadib howlgalo aan ka sameynay gobalka Bay ee Soomaaliya”

Wasaaradda amniga ma cadeynin deegaanka ay sida rasmiga ah uga sameyeen howlgalkaan balse waxay sheegtay in tobaneeyo Al-shabaab ah ay dileen Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa ajnabi ah.

Madaxweyne Gaas oo shaaciyay xiliga doorashooyinka Puntland.

C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha,

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa sida uu sheegay Madaxweyne Gaas.Hoos Ka Aqriso 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Herbert Walker Bush oo ku dhintay da’da 94

 

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George Herbert Walker Bush oo gaaray da’da 94-sano jir  ayaa habeenimadii xalay ku dhintay dalkaasi,ka dib markii muddo sided bilood  ka hor ay sidoo kale dhimatay xaskiisii , Barbara Bush.

George W Bush oo ah wiilka uu dhalay ayaa xaqiijiyay geerida aabihii oo sanadihii u dhexeeyay 1989 to 1993, soo qabtay xilka madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Marxuumkaasi oo ahaa Madaxweynihii 41-aad ,waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton halka sided sano ka dib uu xilkaasi qabtay wiil uu dhalay marxuumkaaasi.

Marxuum George Herbert Walker Bush,waxa uu soo qabtay xilal kala duwan sida maamulaha CIA,xubin ka mid ah kongereyska Texas iyo madaxweyne ku xigeenkii Ronald Reagan,isagoo sanadkii  1991 ka dambeeyay dagaalkii gacanka ee lagu qaaday dalka Ciraaq.

Waa Masaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhinta da’da 94-sano jir,wuxuuna ka soo jeeda  qoyskii labaad ee wiil iyo aabihii ay qabtaan xilkaasi marka laga yimaado Madaxweyne John Adams sanadkii1797-1801.

 (Daawo Sawirada) Maxkamada ciidamada oo Xukun adag ku riday Xukun Xasan Abshir

 

Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday askari katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya oo la qabtay isaga oo dhac ka geesanayay Suuqa Bakaaraha.

Xukun Xasan Abshir ayaa kamid ahaa ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugnaa Aaga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana askarigan la sheegay in uu kasoo dhuuntay ciidankii uu katirsanaa kadibna dhac ka bilaabay Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa askarigan burcadka ahaa ka soo qabtay suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Howlgalkii lagu qabanayay askarigan waxaa ku dhintay nin kale oo burcad ah oo la socday, waxaa sidoo kale ciidamada amaanka ka baxsaday walina baadi goob ugu jiraan nin kale oo burcadka la socday.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

Maxkmada Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in askarigan xukunka lagu riday uu racfaan ka qaadan karo hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka lagu riday.

Mareykanka: Xeeladaysigii Ugu Yaabka Badnaa Dunida.. Dad Lacago Farabadan Looga Gurtay Tabarucaad Been Ah

 

Sheekadan ayaa ku bilaabatay nin derbi jiif ah oo bixinaya 20-kii dolar ee ugu dambeeyay ee jeebkiisa ku soo haray, si uu u caawiyo haweenay wadada ka luntay New Jersey, si ay shidaal ugu iibsato.
Waa sheeko bani’aadamnimo oo qiime sare uu ka muuqdo, miyayna sidaa kula ahayn?
Haweenaydan iyo ninkeeda ayaa baraha-bulshada la wadaagay dhacdadan warbaahinta sidoo kale warbixinno ka siiyay, dad badani dareen wanaagsan ayay ka muujiyeen waxeyna aad u ammaaneen akhlaaqda ninkan derbi jiifka ah ee aadka u heerka sarreysa.
Intaa kuma aaney joogsan, internetka ayay uga sameeyeen bar ay dadku ku kaalmeeyaan ninkaa derbi jiifka ah ee aadka u akhlaaqda fiican, dadku tabarucaad badan ayay soo gaarsiiyeen, waxaana loo uruuriyay lacag ka badan 400 oo kun oo dolar.
Laakiin gadaal waxaa ka soo baxday in sheekadu ay tahay mid la been-abuuray oo abaabulan, dadkana jilliin been ah lacagta looga qaadayay, xeer-ilaaliyaha Burlington, ayaa saddexdaa qof ku soo eedeeyay xatooyo xeeladaysi ah oo dadka hantidooda lagu dhacay, waxaana uu ballanqaaday in dadkaa loo celin doono lacagihii ay ku tabaruceen.
Hadaba, waxaa isweydiin leh, weli mala kulantay xeeladaysi noocan oo kale oo lacag ma lagaaga qaaday tabarucaad been ah?

Nin bambo gacmeed sitay oo codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska

Nin ku hubeysnaa bambo gacmeed ayaa codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron xilli dalkaasi ay ka socdaan dibadbaxyo.
Wuxuu codsanayay in dadka dibadbaxyada dhigayay loo ogolaado inay la kulmaan madaxweyne Macron.
Ninkan ayaa lagu xiray galbeedka dalka Faransiiska xilli la arkay isagoo wato bambo gacmeed.
Wuxuu qabay dharka dadka dibaxayada dalkaasi ay xirtaan, wuxuu is dhiibay saacado un badan kaddib markii booliska Faransiiska lagu wargeliyay ninkan.
Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli tobonaan kun oo shacabka Faransiiska ah ay wadaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
Sida laga soo xigtay booliska maxalliga, Ninkan 45 jir ahaa wuxuu gacanta ku sitay bambo gacmeed isla markaasna codsanayay inuu madaxweynaha Faransiiska kula kulmo gurigiisa.
Reer Galbeedka: Faahfaahinta Sacuudiga uu ka bixiyey dilka Khashoggi lama rumeysan karo
Faransiiska oo ku gacan sayray xayiraad dhanka hubka ah oo Sacuudiga lagusoo rogo
Wuxuuna qeyb ka ahaa dadka mudaaharaadayay ee ka careysan qiimaha shidaalka dalkaasi.
Ninka ayaa markii hore wakhti badan la qaatay dibadbaxyaasha kuwaaso ku kulmay agagaarka xarunta laga dukaameysto ee Espace Anjou, sida ay saraakiil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Bernard Gonzalez oo ah sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee ninkan uu gacanta ku sitay ay hadda baarayaan khuburrada bambaanooyinka isla markaasna uu yahay mid aanan ‘been abuur aheyn’.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in dad ka badan 30,000 la filayo maanta inay ka qeyb qaataan dibadaxyada Faransiiska ka socda gaar ahaan magaalada Paris.
Waxaana boolis gaaraya 3,000 loo daabulay gudaha magaalada caasimadda ah oo kaliya ah si ay uga hortaggaan dibadbaxyaasha.

Ciidamo xiray wadaad ka dambeeya bannaan-baxyo ka dhacaya Pakistan

Maas;uuliyiinta dalka bakistan yaa xabsiga dhigay hogaamiye diineed ka dambeeyay bannaan baxyo looga horjeeday hawweeneey kirishtaan ah oo maxkamadda dalkaasi ay ku weyday dambigii loo heystay oo la xiriiray aflagaado dhinaca diimta Islaamka.
Wiilka uu dhalay hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo Khadim Hussain Rizvi, aya sheegay in aabihii l ala tagay Jimcihii waqti habeen ah,ka dib markii la soo weeraray xarun dugsi diimeed oo uu ku lahaa Bariga magaalada Lahore.
Hadal ay soo saareen xisbigaasi Tehreek-e-Labbaik (TLP) ayeey ku sheegeen in Rizvi lala xiray tiro ka mid ah taageerayaashiisa,sida ay ku warantay Wakaaladda wararka Associated Press .
Wasiirka Warfaafinta dalka Bakistan Fawad Chaudhry ayaa sheegay in Rizvi la geeyay xabsi ammaan ah,isla markaana loo wareejiyay guriga nartida.
Rizvi oo ah hoggaamiyaha garabka midig ee xisbiga (TLP) ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay maalinimada Axadda ahay magaalada Islamabad ku qabtaan dibad baxyo.