cabdi casiis cali

193 POSTS 0 COMMENTS

Khudbad jeedinta musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo la soo gaba-gabeeyay

Waxaa la soo gabagabeeyay dhageysiga Khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha Maamulka Puntland ka hor jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.
21-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay Xildhibaanada Puntland.

Rag horey u dilay nabadoon caan ah oo lagu toogtay fagaaraha Iskoolo Buluusiyo

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.
C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan ayaa horey degmada Wadajir ugu dilay Hilowle Xeefow Xuseen oo kamid ahaa nabadoonada caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.
Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah, waxaana maanta agu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.
Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay oo aheyd fagaaraha iskoolo buluusiyo ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwaasoo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya inay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen.
Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay xubno ka tirsanaa Alshabaab, waxaana u dambeeyey nin dhawaan lagu toogtay Baydhabo, ka dib markii lagu heley dembi ah inuu dilay Shiilkh caan ah.

Mareykanka   ayaa  shuruudo ku xiray ka bixitaanka ciidamadiisa ee Suuriya

 

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Suuriya waxay ku xiran tahay shuruudo, sida uu sheegay la taliyaha qaranka arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka John Bolton, taas oo muujineyso inuu jiro dib u dhac.

Xilli uu booqasho ku joogay Israa’iil wuxuu sheegay inuu Turkiga ka codsanayo inuu ilaaliyonabadegelyada kooxda Kurdiyiinta ee ka daallanta waqooyiga Suuriya.

John Bolton wuxuu sidoo kale sheegay in la xaqiijiyo arrinta ah in laga guuleystay kooxda isku magacaawady dowladda Islaamka.

Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceen kala kulmay qorshahiisa ah in uu kala soo baxo ciidamadiisa ka joogo Suuriya.

 

Qaramada Midoobay  oo  xadideysa shaqaalaheeda  ku sugan magaalada Muqdisho

 

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in ay  xadideysa shaqaalaheeda ka howgala xafiiskeeda magaalada Muqdisho kadib weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday xarunta ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho 1dii bishan Janaayo 2019.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in xaaladda Ammaan ee shaqaallaha Qaramada Midoobey ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay tahay mid halis ah oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo.

Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay  xarunta Muqdishana ka howlgalayay kuwaasoo iman lahaa Muqdisho 6da iyo 7da bishan lagu amray inaysan tegin Muqdisho oo ay iska xaadiriyaan xafiisyada UNka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dhowaan in ay ka xun yihiin in ergeygii uu u magacaabay dalka Soomaaliya ay dowlada Federalka Soomaaliya ay ceyriso,balse waxa uu sheegay in uu magacaabi doono ergey cusub.

Arrintan ay Qaramada Midoobay ku dhaqaaqday ayaa dadka siyaasada u dhuun daloola waxa ay ku tilmaameen inay tahay bilowga jawaab ay Qaramada Midoobay ka bixinayso tallaabadii ay dowlada Soomaaliya ku erisay ergeygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria oo Abaal marinta lagu Guddoonsiinayay

Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya ee gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka qibradaha Ciidanka booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Waxaa lagU gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino oo ay ku mutaysteen shaqo waanaag,waxaana goob joog ahaa Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka booliska AMISOM,kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria in ay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan in ay yihiin safiiro dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika,kadib markii booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen khibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

“AMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan booliska Nigeria,iyagoo muujiyay shaqo wanaag,kaalina ka qaateen nabadda iyo amniga Soomaaliya,waxay muujinaysaa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda,iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kale”. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan.

qarax ka dhacay Masar.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegay in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaacay uu ka dhacay gudaha caasimadda dalkaasi.

Laba kamid ah ciidamada amaanka aya ku geeriyootay kadib markii ay isku deyeen in ay gacantooda kaga hortagaan waxyaabo qarxa oo la soo dhigay meel u dhow Kaniisadda Coptic oo kutaala magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,sida ay shegeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Mustafa Cabdi Waxaa uu kamid ahaa saraakiisha miino barista,wuuna geeriyooday kadib markii qaraxa uu dhacay intaa ay ku howlanaayeen ka hortagistiisa,labo kale oo ka tirsan saraakiisha ammaanka iyo qof kale oo meesha ka ag dhawaa ayaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen.

Waxyaabaha qarxay ayaa la sheegay in baakad lagu soo daboolay meelna la dhigay oo Kaniisadda kamid ah,waxaana falka uu dhacaya iyadoo loo diyaar garoobayo dabaal degyo ciidaha masiixiyiinta,mana jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dalkaasi.

Hay’adaha nabad geliyada dalkaasi Masar ayaa in muddo ah waxaa ay la tacaalayaan falalka argagixisanimada ah ee ka dhacay qeybo kamid ah dalkaasi Masar,mana jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

 

Isdiiwaan gelinta Musharixiinta oo Bilaabatay.

Maanta  ayaa waxaa Magaalada garoowe  ka socota qabashada araajida musharixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.

Gudiga doorashad madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa durba bixiyey shahaadada musharaxnimada .

Musharrixiinta ugu dambeeya ee isdiiwaangelinaya ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaba gabeeyaan,maaddaama berri tahay hadal jeedinta.

Waxaa uu Musharrax kasta bixinayaa $20,000 doollar madaxweynaha iyo ku xigeenka oo bixinaya $10,000 oo doollar.

Ilaa hadda waxaa isdiiwaangeliyay Siciid Cabdullahi Deni oo shahaadadiisa ka qaatay Guddiga,kaas oo billow u ah musharrixiinta sida ay Guddiga sheegeen.

Dilalka ka dhaca Muqdisho oo kordhay.

 

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay qof shacab ah ku dileen xaafada xoosh degmada Dharkeylay ee Gobalka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Muqdisho ayaa caadi ka noqotay dilalka loo geysto dadka rayidka ah  iyo askarta ka tirsan ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) Oo Cambaareyay Weerarkii Fuelynimada Ahaa Ee Kooxaha Nabad Diidka Ah Ay Ku Weeraraan Xarunta Xalane

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) Oo   Cambaareyay  Weerarkii  Fuelynimada Ahaa  Ee  Kooxaha Nabad Diidka Ah Ay Ku Weeraraan Xarunta Xalane

halkaan hoose ka Akhriso

Warsaxaafadeed SRSG

 

Fashilka Diblumaasiyadeed ee Villa Somalia iyo go’aankii Nicholas Haysom

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan cusub ku bilowday go’aan si weyn loola yaabay iyadoo sheegtay inay dooneyso inuu wadanka isaga baxo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambs.Nicholas Haysom.
Go’aankan ayey xukuumada Federaalka Soomaaliya sheegtay inay uga jawaabeyso qoraal dheer oo uu soo saaray Amb.Nicholas Haysom oo uu ka diyaariyey falalkii ka dhacay magaalada Baydhabo xiligii ay dhaceysay doorashada ismaamulkaasi, iyadoo xarigii dowlada u geysatay Mukhtar Robow oo kamid ahaa murashaxiinta xilka u tartameysay ay dhalisay banaanbaxyo ay dad ku dhinteen.
Nicholas Haysom ayaa Wasaarada Amniga ee Federaalka Su’aalo ka weydiiyey danbiyadii ka dhacay Baydhabo ee la sheegay inay geysteen ciidamada Booliiska ee dowlada ka amar qaata kuwaasi oo ku shaqeeya mucaawinada ay ka helaan Qaramada Midoobay. Xafiiska UN-ka ayaa su’aalahan wasaarada weydiiyey maadaama ay sharuucda Qaramada Midoobay ka mamnuuceyso hay’adaha ay taageeraan inay geystaan danbiyada loo geysto shacabka sida dilalkii ka dhacay Baydhabo oo ay geysteen booliiska Baydhabo oo si toos ah uga amar qaadanayey dowlada Federaalka.
Jawaabta laga sugayey Dowlada Federaalka iyo Wasaarada Amniga ayaa ahayd inay beeniso ama sheegto inay tilaabo ka qaaday askarta danbiyada loo heysto balse noqotay inay soo saarto qoraalka la sheegay in dalka looga eryayo Wakiilka Qaramada Midoobay.
Dowlada Federaalka kama jawaabin dhamaan su’aalaha la xariira faro gelintii ay ku sameysay Baydhabo ee keenay dhiiga daatay, taasi oo muujineysa in dowlada Soomaaliya ku guuleysan weyday inay xataa iska fogeyso danbiyadii ka dhacay Baydhabo, balse dooratay inay weerar kala hortagto Qaramada Midoobay oo ah midda qaabilsan dhaqaalaha lagu bixiyo ciidamada AMISOM ee iyaga illaaliya oo qaarkood weliba loo heysto inay fuliyeen xarigii Mukhtar Robow.
AMISOM ayaa dhankooda si xirfadeysan durbaba iska fogeeyey inay wax lug ah ku lahayd wixii ka dhacay Baydhabo iyagoo illaalinaya sumcadooda iyo waliba dhaqaalaha Beesha Caalamka ka helaan ee loo soo mariyo Qaramada Midoobay, isla markaana ciidamadooda ka xijaabaya inay galeen falal jabinaya sharuucda caalamiga ah ee la xariira xaquuqul Insaanka.
Villa Somaliya ayaa la filayey inay qaadaan wadada Amisom oo ay iska fogeeyaan eedeynmaha loo heysto, hase yeeshee dusha u ridatay dhamaan danbiyadii ka dhacay Baydhabo, iyagoona ku goodiyey in UN-ka uusan soo faro-gashan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, sida lagu xusay waraaqdii kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibada.
Xukuumada ayaa dooratay inay qaado tilaabadii ugu cusleyd ama ugu adkeyd ee loo yaqaan dhinaca diblumaasiyada “…Nuclear option…”, iyadoo u dhaqmeysa sidii dowladahihii militariga ama kali-taliska oo ah kuwa lagu yaqaan inay neceb yihiin in wax laga weydiiyo danbiyada ay ciidamadooda geystaan.
Waxaa hubaal ah in go’aankan uu saameyn weyn ku yeelan doono sumcadii Dowlada Federaalka ku lahayd Caalamka, xili uu dalka Soomaaliya yahay wadan kasoo kabanaya dagaaladii Sokeeye oo aan si dhab ah looga hirgelin dib u heshiisiin dhameystiran.
Ficilada cusub ee Dowlada Federaalka ayaa docda kale saadaal u ah waxa ay xukuumada ka damacsan tahay doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka gaar ahaan Jubbaland oo ay hada dhaq dhaqaaqyo militari ka socdaan iyo waliba tii Koonfur Galbeed ee reebtay saameynta xun oo aan weli la xalin.