Friday, August 23, 2019

Safiino Daahir

73 POSTS 0 COMMENTS

Xildhibaano sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya la xisaab tamayaan

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee kasoo jeeda deeganada Maamulka hirshabeele oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen khilaafka Siyaasadeed ee kajira gobalka hiiraan iyo dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka kalabeyr  ee  uu kugeeriyooday taliyihii ciidanka booliska ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ahaa Xildhibaanadii la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay magacabayaan guddi u kuurgalaya dagaalkii shalay kadhacay degaanka kalabeyr ee duuleedka magaaladaasi Baladweyne .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in  Ciidamada kala duwan ee dowladda ee kahowlgala gobalkaasi hiiraan ay ka qayb qaateen dagaalkaasi,isla markaana arintaasi baari taano ay ku sameyn doonaan hadii ay cadaatana ay kula xisaabtami doonaan Xukuumadda Soomaaliya .

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amiga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa dhankiisa dhinacyada dagaalamay waxa uu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ayna adkeeyaan midnimada maamulka Hirshabeele,waxa hadalkiisa intaasi ku daray  in waxa laysku heysto uu yahay  khilaaf siyaasadeed loona baahan yahay in la raadiyo xal siyaasadeed .

Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo Culuma udiinka gobalka Hiiraan ayuu dhankooda ugu baaqay in ay ka qayb qaataan nabadeynta dadkii uu dagaalka dhexmaray ee ku wada sugan gudaha Gobolka Hiiraan.

Ciidamo cusub oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga Saaro Al-Shabaab , arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Nairobi iyo shir ka furmaya halkaas

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha  maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa uu ku sii jeedaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa Shir dhowaan magaalada Nairobi ay ku yeelan doonaan madaxda maamul Gobaleedyada dalka.

Madaxda maamul gobaleedyada ee tagay Nairobi ayaa waxaa ka mid ah  madaxweynayaasha Jubbaland, Hir-Shabelle, iyadoona la filayo in madaxda kale ay tagaan dalka Kenya si ay shirkaas uga qeyb galaan.

Kulamada mas’uuliyiintaan ayaa waxaa qeyb ka ah kulamo ay la qaadanayaan qaar kamid ah madaxda wadamada caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Raashiin ah

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya.

Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorshahoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga gudubto howlaha gargaarka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dalka.

Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay.

Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto

Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wasiirka oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Waxaan maanta soo gaaray degmada Baardheere ee  gobolka Gedo oo aan ka dhagax dhigi doono Dugsi lagu tababari doono macallimiinta Soomaaliyeed, kaas oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada deegaanka”.

Wasiir Goodax ayaa waxaa Baardheere kusoo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Jubbaland, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada bulshada deegaankaas

Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi oo loo Magacaabay Nimcaan Hillaac

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 loogu oggaaladay in uu kamid noqdo Hoballada Waaberi , Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac).

Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barroow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfafainta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran.

Gedo:-Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isu dhiibay Ciidanka Xoogga

Laba sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, markii ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga.

Xubnaha isa soo dhiibay ee ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu kala sheegay Magacyadooda Mustaf Ibraahim Isaaq iyo  Maxamed Xasan Madhaaley.

Mustaf Ibraahim Isaaq, ayaa  Al-Shabaab u qaabbilsanaa howlaha Sirdoonka, halka uu Maxamed Xasan Madhaaley isna u xil saarnaa waaxda Ilaalinta Xabsiyada ee Jubbooyinka.

Taliya Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo, Sheekh Xuseen Isaaq, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo isa soo dhiibta, kana faa’iideysta baaqii cafiska ahaa ee ay u fidiyeen Madaxda Qaranku Al-Shabaab.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo dhiibayay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku soo biiraya ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Puntland oo dib ula wareegay deegaan dhawaan laga qabsaday

Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ay laba todobaad kadib ay dib ula wareegeen deegaanka Af-Urur oo ay dhawaan la wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dagaal la’aan kula wareegeen deegaankaas,kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo laba todobaad gacanta ku haayay deegaankaas.

Taliyaha Ururka 3aad ee deegaanka Af-urur Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga deegaanka Af-Urur,isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Waxa uu sheegay inay bilaabi doonaan howlgallo ay ka sameynayaan Buuraha Galgala iyo deegaanada kale ee Gobolka Bari,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Deegaanka Af-Urur oo ah deegaan muhiim ah ayaa tira laba jeer ah ay Al-Shabaab la wareegeen, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Puntland,waxaana Madaxda Maamulkaas ay sheegeen in xeelad dagaal ay uga baxeen.

Si kastab Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin ka bixitaanka deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, kadib laba todobaad oo ay maamulayeen, hayeeshee wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

Xubnaha Guddiga

1 Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye
2 C/Raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xubin
3 Xasan Cali Maxamed Wasiirka gaashaan-dhigga Xubin
4 Maxamed Abuukar Islaaw Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
5 Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Xubin
6 Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Sadiiq Xirsi Warfaa Xubin
7 Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Xubin
8 Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka Xubin

Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran

Guddoomiye Yariisow oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda oo ka dhacay xarunta Guud ee qeybta Booliska.

Shirka Amniga Caasimada ayaa diirada lagu saaray dardargelinta sugidda Amniga, isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimadda.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Amniga, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka tirsan Hey’adaha amniga dalka