BEELIHII KU DAGALLAMAY SOOL OO HESHIIS KU GAARAY JIGJIGA

SHARE

 

Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida waxaa heshiis ku kala saxiixday labo beelood oo bishii la soo dhaafay ku dagaallamay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Heshiiskan ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay isku afgarteen wakiillada labada dhinac,kuwaas oo si wada jir ah u saxiixay.

Qodobada heshiiskan ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in qoladii weerar ku qaadda Magaalo ay deggantahay beesha kale laga qaado lacag dhan $100,000 (Boqol Kun ) oo doollarka Mareykanka ah.

Dadka ku dhintay colaaddaas ayaa tiradooda lagu sheegay 169 Qof oo isugu jira Rag iyo Dumar,waxaana la isku afgartay in qof kasta laga bixiyo Shan iyo Toban Neef oo Geel ah.