Jubbaland oo aqbalay dadaalada uu wado Aqalka Sare

SHARE

 

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhoweeyay dadaalada uu  wado Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Kuxigeenkiisa iyo Golayaasha Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan, diyaarna u yihiin dadaalada uu wado Guddoomiyaha Aqalka Sare, si loo soo afjaro khilaafka iyo mad madowga soo kala dhex galay dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Jubbaland ay mar walba diyaar u tahay dadaalada xal u helida khilaafka iyo sidii loo gaari lahaa is faham siyaasadeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku ammaanay Jubbaland sida ay ugu dhega nuglaadeen dadaalada Aqalka Sare wado iyo sidii wixii jira loo xalin lahaa, isla markaana inta dhiman wada xaajoodyada loo dhameystiri lahaa.

Aqalka Sare ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo xal doon ah oo lagu dhammeynayo khilaafka ragaadiyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu safaro ku tago xarumaha maamul goboleedyada.