LA LIGA: Hor dhaca kullanka Espanyol iyo Barcelona, safafka macquulka ah iyo xiddigaha labada dhinac ka maqnaan kara.

SHARE

 

Su’aal kama taagna in horyaalka Spain uu xilli ciyaareedkan yahay midka ug xiisaha badan shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Europe, iyadoo dhammaan kooxaha ay isu jiraan dhibco hal ama laba ah illaa laga gaaro booska 12-aad ee kala sarraynta.

Barcelona ayaa hooggaanka u heysa La Liga xilligan, waxaana ay kullanka Derby Catalunya ay la ciyaarayaan Espanyol oo bilawgii xillli ciyaareedkan carcar xooggan ku socotay, haddana ku jirta booska 9-aad.

Balse labada koox waxaa u dhexeeya farqi ah toddobo dhibcood oo qura, waxaana guul walba oo ay kooxi gaarto ay ka dhigeysa mid aad ugu muhiim ah, natiijo walbana waxa ay beddeli doontaa liiska kala sarraynta La Liga.

Xiddigaha ka maqnaanaya labada koox

Barcelona waxaa ay weyn doontaa caawa xiddigaha Arthur, Samuel Umtiti, Sergi Roberto, Malcom, Sergi Samper, Rafinha kuwaasoo aanan ciyaari doonin kullankan.

Halka Espanyol keliya shaki laga gelinayo Sergio García, Naldo kuwaasoo saacadaha ugu dambeeya la kala xaqiijin doono taam ahaanshahooda kullankan.

Safafka macquulka ah ee ay ciyaari karaan labada koox

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Vidal; Messi, Suárez, Coutinho

Espanyol: Diego López; Javi López, David López, Hermoso, Dídac; Darder, Roca, Granero; Pérez, Iglesias, Piatti