ONLF oo sheegtay in ay ka tanaasuli doonin gobanimo u raadinta Soomaali Galbeed

SHARE

 

Madaxda ugu sareysa ONLF ayaa sheegay in ay marnaba ka tanaasuli doonin gobanimo u raadinta dhulka Soomaali Galbeed ee Soomaalida Itoobiya, waxa ayna sheegeen in hadafka jabhada uu yahay sidiisii.

Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi waa hoghayaha Jabhada ONLF waxa uu warbaahinta u sheegay in markii horeba ay ONLF ay doonayeen nabad balse sida uu sheegay Itoobiya ay dagaal ku bilaawday.

 

Waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan dadaalada ay gobanimada ugu raadinayaan Soomaali Galbeed ayna ugu dambeyn ku guuleysan doonaan.

Hadalka Hoghaya Jabhada ONLF ayaa kusoo aadayo xili dad badan uu ku dhashay shaki ah hadafka ONLF maadama isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya uu horseeday in ay isku soo dhawaadaan Itoobiya iyo ONLF.