-Roob sababay khasaara nafeed oo ka da’ay Gobolka Bari

SHARE

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Roobka guga uu ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Bari Puntland,kaas oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed geystay,sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanada uu roobka ka da’ay.

Deegaanka Weeciye ee Gobolka Bari ayaa ka mid ah deegaanda uu saameynta ku yeeshay roobka,waxaana maamulka deegaanka ay sheegeen in roobka uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed

Guddoomiyaha deegaanka Weeciye ee Gobolka Bari Puntland Isaaq Aadan Xasan ayaa sheegay in Roobka ay ku geeriyoodeen Saddex Carruur ah,sidoo kale uu qaaday xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad Reer Miyo Xoolo dhaqato ah.

Maalma ka hor ayay aheyd markii Roobka Guga oo ka da’ay Magalada Hargeysa ay ku geeriyoodeen 6 ruux 9 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo qaarkood ay kusoo dumeen guryihii ay deganaayeen.